Ciidamada Burundi oo Maanta ka guuraya Mid ka mid ah Saldhigyadooda ugu Waaweyn ee Muqdisho

 

Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in ay ka guuraan mid ka mid ah Saldhigyada ugu Waaweyn oo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Gaheyr oo ka mid ah laamaha Jaamacadda Ummadda,islamarkaana ka mid ah Saldhigyada  ugu Waaweyn ciidamada Amisom,gaar ahaan kuwa Burundi ay degan yihiin ayaa hada waxaa ka socda qaban qaabo ay uga guurayaan Saldhigaas,waxana lagu wadaa in Sakootinta Ciidamadaas ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amaanka Aaga Jaamacaddaha ayaa aad loo adkeeyay,waxana la arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo xiray Wadooyinka soo gala Jaamacaddaha iyaga oo u diidaya Dadka iyo Gaadiidka in ay isticmaalaan.

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegayaa in ciidamadaas ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle oo horayba ay ugu sugnaayeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Amisom gaar ahan kuwa Uganda.

Qorshaha ay ciidamadaan uga guuraayaan Saldhiga Jaamacaddaha ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay qorsha ay dowladda Federaalka ku dooneyso in gebi ahaanba Muqdisho uga rarto Ciidamada Amisom iyo kuwa Xoogga dalka kuna geeyso Goobo ka baxsan Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media