Ciidamada Booliska Soomaaliland oo Xabsiga dhigay Koox Dhalinyaro ah

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada booliiska Soomaaliland ay xasbiga u taxaabeen Koox dhalinyaro ah oo ka mid ah kuwa ku nool Magaalada burco.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay rabsahda iyo dhagaxtuur ku sameeyeen Gaadiidkii uu saarnaa Murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ee shalay agaray Magaalada Burco.

Sidoo kle dhalinyaradaan ayaa Tayro ku gubay Wadooyin ka mid ah kuwa Magaalada Burco,sida ay sheegeen dad Goobjoog ka ahaa dhacdadaas.

Taliska Booliiska Magaalada Burco ayaa waxa ay falkaan in ay ka dambeeyaan sidoo kale ku eedeeyeen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, in kastoo weli asyan ka jawaabin eedeyntaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media