Ciidamada Booliska Magaalada Washington oo heegan buuxa la geliyay+ sababta

Boqollaal ka mid ah ciidanka Booliska ayaa maanta la dhigay qeybo ka mid ah waddooyinka soo gala Aqalka Cad iyo Xarunta Koongareeska ee magaaladan Washington D.C, si ay uga hortagaan suurtagalnimada rabshado ka dhaca mudaaharaad lagu wado in galabta ay sameeyaan boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Dadka isugu iman doono caasimadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan boqollaal qof.

Waxa ay sheegeen in dibadbaxoodu uu yahay mid ay ku taageereyaan dadka u xiran fal danbiyeedyadii ka dhashay weerarkii ay 6-di bishii January ee sannadkan mudaaharaadayaal careysani ku galeen xarunta Koonagreeska Mareykanka ee Capitol Hill.

Xilligaasi ayaa waxaa xarunta ka socday ansixinta doorashada madaxweyne Biden. Dadkaasi oo taageersanaa madaxweynihii hore ee Trump ayaa diidanaa ansaxnimada doorashadii 2020-kii ee uu ku soo baxay madaxweyne Biden.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor