Ciidamada Booliiska Somaaliland oo markale dad ku xir xiray M/laas-Caanood

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland ay halkasi howlgal ka sameeyeen gaar haan deegaanadii dhawaan ay ku wada dagalameen ciidamada Booliiska Somaaliland iyo Dhalinyardii careesnaa.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay inta howlgalka ay wadeen ay xir xireen dad gaaraya ilaa 4 ruux ,kuwaas oo looga shakiyay in ay wadan falal qalqal gelin kara amniga Magaalada laas-Caanood islamarkaana ay hurinayaan Colaadii halkaasi horay uga dhacday sida uu War-Baahinta u sheegay mid kamid ah Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa hadda ah mid dagan,waxaana ku sugan Laascaanood oo hawlaha nabadaynta labadan Beelood u jooga wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,madax-dhaqameed iyo odayaal ka kala yimid Gobolada Togdheer,Sanaag iyo Buuhoodle si dagaalkii dhcay xal looga gaaro.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media