Ciidamada amniga Magaalada Baydhabo ayaa xabsiga u taxaabay Sarkaalkii hoggaminayay dagaalkii Maalin ka hor Magaalada Baydhabo ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Sarkaalkaan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulle Isaaq,waxaana amarka lagu xiray bixiyay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan maadaama dagaalkaas uu khasaaro badan dhaliyay.
Ehelada Sarkaalka ayaa la sheegay n ay iyaga ogolaadeen in Sarkaalkaas la xiro si xal looga gaaro xiisadii gacan ka hadalka dhlisay ee ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wararka qaar ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Cabdulle Isaaq oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed uusan isku arkin qof dambiile halka haatan lagu heesto in uu masuul ka ahaa dhimashada 17 ruux.