Ciidamada amniga oo xir xiray qaar kamid ah ilaaladii Taliyihii Nabad sugida gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay xir xiren qaar kamid ah ilaaladii Taliyaha nabad sugida gobolka Cabdiweli Ibraahim Jumbur oo xalay lagu dilay magaalada Jowhar.

Jumbur waxa toogtay mid kamid ah ilaaladiisa oo la sheegay inuu hore uga soo goostay Al Shabab.

Warar kale ayaa sheegaya in ninka dilay Taliyaha ay qaraaba dhaw yihiin balse weli ma jiran ila wareedyo xaqiijin kara.

Dilka Taliyaha Nabad Sugida gobolka Shabeelada Dhexe ayaa aad looga dareemay gobolka oo dhan,waxaana uu ahaa Cabdiweli Ibraahim Jumbur nin magac kulahaa gobolkasi sida afhayeenka gobolka uu Dalsan u sheegay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor