Ciidamada Amniga oo Xalay Howlgalo ku soo xiray dad ka badan 500 oo ruux

Howlgalada ayaa ka dhacay Dagmooyinka Waaberi,Hodan iyo Huruwaa,waxaana si wada jir ah u fulinayay Ciidamada Nabadsugida,Booliska,millatariga iyo ciidamada AMISOM waxaana lagu sheegay in uu ahaa amni xaqiijin kadib markii Hey’adaha ammaanka ay heleen xog ku aadan in Dagmooyinka qaar ay ku dhuumaaleysanayaan rag la tuhunsan yahay in xiriir ay la leeyihiin Alshabab sida saraakiisha Dawlada ay sheegayaan .

Meelaha ugu badan ee uu howlgalku ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Dagmada Waabari halkaas oo Dhalinyaro fara badan laga soo qab qabtay waxaana ku socda baaritaano lagu ogaanayo Xiriirka raggan ay la leeyihiin Al Shabab.waxaana qab qabashada dhalintan cabasho ka muujinaya waalidiinta dadka uu howlgalku saameeyay ,

Habeen ka hor Ciidamada Dawlada ayaa  howlgal midkan lamid ah waxa ay ka sameeyeen Dagmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.