Ciidamada amniga oo soo gaba gabeeyay weerarkii lagu qaaday Maqaaxida Posh Treats

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay weerarkii caawa lagu qaaday Maqaaxida Posh Treats oo ku dhaw Isgoyska Banaadir ee M/Muqdisho.

Maqaaxida ayaa markii hore waxaa lagu dhuftay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana intaas ka dib Gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada dowaldda Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaas oo soo gaba gabeeyay weerarka lagu qaaday maqaaxida Posh Treats,waxana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ilaa 4 ruux.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in haatan ciidamada amniga Soomaaliya ay  gacanta ku hayaan Maqaaxida Posh Treats iyo Pizza house oo ka soo horjeeda goobta la weeraray.

Weli laamaha amniga Soomaaliya ma faah faahin qaabka uu u dhacay weerarkaas iyo khasaaraha guud ee ka dhashay,balse daqiiqadaha na soo aaday ayaa la filayaa in ay ka warbixiyan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media