Ciidamada Amniga Oo Soo Gaba Gabeeyay Weerarkii Lagu Qaaday labada Maqaayadooda

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd oo saaka ah soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay rag ka tirsan Al-Shabab xoog ku galeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa xaqiijiyey  in la dilay dhamaan ragii weerarka ku qaaday labada maqaaxi oo ku yaala degmada Hodan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadkii weerarka soo qaaday ay ahaayeen shan nin, kuwaasoo dhamaantood la toogtay, kadib saacado badan oo rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Gaashaan ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay 26 kalena way ku dhaawacmeen weerarka ay Al Shabaab ku qaaday labada maqaaxi.

Weerarkan ayaa ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Hodan ayaa waxa ay  sheegeen in ugu yaraan 16 qof ay dhinteen. Ambalaasyada Aamin Ambalaas ayaa iyaguna sheegay inay daad gureeyeen ilaa 26 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media