Ciidamada Amniga oo rag ku hubeysan ku qabtay degmada Howl-Wadaag

Ciidamada ayaa waxa ay raggaan hubeysan ka qeybteen meel aan ka fogeyn Isgoyska Black sea ee degmada Howl-Wadaag kadib markii uu dagaal dhexmaray.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ka hor qabashada mid ka mid ah raga hubeysan oo watay Mooto Bajaaj uu dhexmaray dagaal mudo kooban socday oo aan geysan wax khasaaro ah.

Ciidanka ayaa sidoo kale qabtay mootadii ay wateen raggaasi oo hadda lagu wareejiyay Hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Somaliya.

Weli lama cadeyn waxa ay raggaas ahaayeen,balse Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ay ahaayeen kuwo mararka qaar dadka ku dhici jiray Mootada isla markaana dadka deegaanka ay xogtooda soo gudbiyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media