Ciidamada Amniga oo ka hortagay Qarax iyo Weerar loogu talo galay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka qaranka Soomaaliya ayaa shaaciyay iney ka hortagen Qarax iyo weerar xoogan oo la doonayay in lagu qaado goob dadka ay isugu yimaadan oo ku taalla Magaalada Muqdisho sida ay baahisay warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

Qaraxa waxa gaarigiisa loogu xiray Shaqaale ka tirsan Urur aan dowli ahayn oo ka howlgala Soomaaliya.

Sido kale Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa Radio Dalsan u sheegay in Saakay ay ciidamada Fashiliyen Weerar la doonayay in laga geysto Magaalada Muqdisho kadib markii ay gacanta ku dhigen Hub iyo gaari la doonayay in weerarka loo adeegsado.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa soo dhigtay barteeda Twitter maclumaadka la xiriira howlgaladan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor