Ciidamada amniga oo ka hortagay miino lagu aasay wadada warshadaha ee Muqdisho

Ciidamada booliska ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hortagay oo qarxiyay miino ay sheegen in lagu aasay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegeysa in miinada lagu aasay dhinaca laamiga ee wadada warshada agagaarka Warshaddi Birta.

Ciidamada booliska waxa ay sheegen in xogtan ay ka helen shacabka deegaanka kadibna ay ka hortagen in miinada dadka shacabka ku qaraxdo oo ay waxyeelo geysato.

Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo ah gudoomiyaha degmada Deyniile ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay wanaagsan u fashiliyen miinada oo loogu talo galay in dad lagu dhibaateyo sida uu yiri.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor