Ciidamada Amniga oo hal ruux ku toogtay Shabeellaha dhexe

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Maamulka tuulada Xawaadley ay toogteen mid ka mid ah Rag furayey Goob horay loo xirey oo uu ka fataho Wabiga Shabeelle.

Maamulka Tuulada Xawaadley ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Rag qaarkood ay hubeysnaayeen ay bilaabeen xalay saqdii dhexe in ay fuaran goob biyo xireen ah si uu Wabiga fatahaad u sameeyo balse ay ciidamada tuulada ka warheleen ka dibna ay ka hortageen.

“Xalay ayaan ka warhelnay rag kor u dhaafayey Soddomeeyo oo qaarkood hubeysnaayeen iyaga oo jebinayey goobtii aan horay uga xirnay Wabiga ee biyo Xireenka FAO,waa ay nala dagaalameen kadibna wey carareen hal ruux ayaan ka dilnay midna isaga oo dhaawac ah ayuu cararay ayuu yiri guddoomiyaha tuulada Xawaadley Cali Atuunyo.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaarey goobta,iyaga oo ciidamada amniga ku amray in cidksata oo Biyaha Wabiga siideyneysa ay kahor tagaan.

Goordhow la socda  Faah faahinta Warkaan oo dhameystiran iyo Wareysiga Guddoomiyaha tuulada Xawaadley.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor