Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Koox Burcad ah

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa qebo ka mid ah dgemada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir howlgal ay ka sameeyeen waxa ay Gacanta ku dhigeen laba Nin oo burcad ah.

Labada nin ayaa xilliga la qabanayay waxa ay wateen taleefoonada Gacanta oo aad u farabadan oo ay dad Shacab ah ka soo dhaceyn iyo hubkii ay isticmaalayeen sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir.

Howlgalka lagu qabanayay Kooxda Burcad ah ayaa waxaa  dhaawac uu soo  gaaray mid ka mid ah burcada,kadib markii ay isku-dayeen inay baxsadaan.

guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyay Ciidamada howlgalka ay kusoo qabteen kooxda Burcad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor