Ciidamada AMISOM oo Wiil iyo Aabihii ku dilay deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan

Cidamada Itoobiya ee hoos-taga hawlgaka AMISOM aye Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan  sheegayaan in  subaxnimadii hore ee maanta toogasho ku dileen Wiil iyo Aabihii oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Goobjooge ku sugan deegaanka Beerxaano ayaa u sheegay Radio Dalsan  in Axmed Xaanshi Tuuroow iyo wiilkiisa oo lagu magacaabo Shinade Axmed Xaanshi, ciidamada Itoobiya dileen.

Dilka naxdinta leh ayaa ka danbeeyay qarax miino oo ciidamada lagula eegtay meel dulleedka koonfuureed uga beegan deegaanka Beerxaano, lamana oga khasaaraha ciidamada Itoobiya ka soo gaaray qaraxa.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa maalintii shalay kula dagaalamay inta u dhaxeysa deegaanka Garasiyaani iyo Halgan ee gobolka Hiiraan xoogagg ka tirsan Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor