Ciidamada AMISOM oo isaga baxay deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay Amisom isaga baxaan deegaankaas Cali Fooldheere oo ku dhaw Degmada Mahadaay,waxana la sheegayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Mahadaay.

Deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa tiro dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan oo u badan Madaadiic ay ku soo qaadayeen Al-Shabaab.

AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Dhexe intaba wax faah faahin ah kama bixin ka bixitaanka AMISOM ee deegaanka Cali Fooldheere,waxana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay cabsi dareemeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media