Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda oo Caawa baneeyay deegaanka leego

Gelinkii dambe ee Maanta Ciidamadii Amisom ee ku sugnaa degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo waliba Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan isaga bxay deegaankaas.

Waxaa la arkayay Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo wata Gaadiidka dagaalka oo isaga baxaya deegaankas oo ay mudo dhowr sano ah ku sugnaayeen,waxana jira xiligaan cabsi ka jirta deegaankaas.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka leego ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamadii Amisom ee isaga baxay deegaanka leego ay aadeen Magaalada Baydhabo basle Ciidamo Itoobiyaan ah oo bedelaya kuwaas ay dhawaan soo gaari doonaan deegaanka leego.

Waxaa macquul ah in dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugan meel aan ka fogeyn deegaanka leego ay gudaha u galaan,waxaana,Qaar ka mid ah Shacabka ay sheegayaan in Caawa cabsi ay dareemayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media