China: Ciiddanka Qaranka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM oo Malaayiin Dollar loogu deeqay.

Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday 2.2 million oo Dollar Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka Somalia, waxayna Lacagahaasi qeyb ka yihiin Iskaashiga Dowladda Shiinaha iyo Ururka Midowga Afrika “AU” ee Ammaanka iyo Nabadda Somalia.

amisom
War Qoraal oo ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in 1.2 million oo ka mid ah Deeqdaasi loo adeegsan doono Taageeradda Ciiddanka AMISOM oo la sheegay inay ku shaqeynayaan Xaallad aad u dhibaato badan.

SNA ARMYSidoo kale, 1 million oo Dollar ayaa la sheegay in loo adeegsadan doono sidii Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed (The Somali National Army (SNA) loogu dhisi lahaa Bakhaar ay ku kaydsadaan Hubka iyo qalabka Ciiddanka.

SMAIL CHERGUIDhinaca kale, Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismaciil Jergu waxa uu uga mahad celiyey Dowladda Shiinaha Kaalmadda Lacageed ay ugu yabooheen AMISOM  iyo Ciiddanka Qaranka Somalia.

Waxa kale oo uu soo dhaweeyey Yaboohii uu Madaxweynaha Shiinaha, Jii Jinping uu bishii September 28-dii ee sannadkan  ku sheegay inuu 100 million oo Dollar ku taageerayo Ciiddanka Heeganka ee Afrika (The African Standby Force) iyo Hawlgalladda kale ee lagu taageerayo Nabadda ee ka socda Qaaradda Afrika.

 ©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor