CCA iyo Fannaaniinta dibedda ka timid oo deeq lacageed gaarsiiyey Fannaanka Cabdi Tahliil.

Fannaaniinta dibedda ka yimid ee dhawaanahan ku sugnaa magaalladda Muqdisho ayaa waxay maanta deeq lacageed gaarsiiyeen Fannaan Cabdi Tahliil Warsame oo ku xanuunsan magaalladda Muqdisho.

Fannaaniinta maanta deeqda gaarsiiyey Fannaankaasi ayaa kala ah Axmed Rasta, Hodan C/raxmaan Dheere, Iidle Yare iyo Xasan Cujeer Cajami.

Agaasimaha Hobollada Qaranka Waabari Maxamed Xasan Barrow ayaa sheegay inay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir ”Maareeye”, Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda “CCA”, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib”, Mas’uuliyiinta Tiyaatarka Qaranka iyo Fannaaniinta Hoballadda Waaberi ka mid ahaayeen dadkii maanta soo booqday Fannaan Cabdi Tahliil Warsame oo ah Fannaan Heer Qaran oo ku xanuunsanayo Muqdisho.

Wasiirka Waraafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahad naqay fanaaniinta deeqda soo gaarsiiyey Fanaaniinta ku xanuunsan dalka Somalia.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA Maxamed Cajiib Ibraahim Cali ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay caawiyaan fanaaniinta Soomaaliyeed ee xanuunsan.

Wuxuuna intaasi ku daray inuu Fannaan Cabdi Tahliil yahay Fannaan Heer Qaran oo kaalin lama illaaban ka soo qaatay Baraarujinta Waddaniyadda, Dowlad-wanaagga iyo Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed.

Hodan C/raxmaan Dheere oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee maanta deeqda gaarsiiyay Fannaan Cabdi Tahliil ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay la kulanto fanaaniinta Soomaaliyeed  ee Kaalinta weyn ka soo qaatay Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed.

Xamdi Cabdi tahliil oo uu dhalay Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame ee maanta deeqda la gaarsiiyay ayaa u mahad celisay fanaaniintan maanta deeqda soo gaarsiiyay.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari, Mas’uuliyiinta Golaha Murtida, Madadaallada Qaranka ee National Theatre iyo Hay’adda wacyi gelinta Bulshada ee CCA ayaa maanta deeq lacag ah gaarsiiyay qaar ka mid ah fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari oo dalka ku xanuunsanaya iyo Carruurtii ay ka tageen qaar ka mid ah fanaaniintii Soomaaliyeed ee geeriyooday.

©Radio Dalsan