Caruusad xilligii gelbiska laga xiray saygeeda.

Lamaane gacmaha is-haysa ayey ahaayeen, oo xilli farxadeed ku jiray, markii ay Boliska si kedis ah ku soo gareen Munaasbaadda lagu gelbinayey Lamaanayaashaasi.
Haweeneyda wey ku faraxsanayd inay say cusub yeelato, waxayna dareemaysay farxadda ay Arooska iyo Aroosadda dareemaan maalmaha ay galayaan Toddobaadka ama Bisha Malabka.
Lamaanaha oo magacyadooda lagu soo koobay Alistair iyo Sara ayaa la kulmay shilka, markii ay Boliska u yimaadeen, isla markaana ay jeebadeen Arooska cusub.
Caruusadda ayaa qosol gariir ku dhufatay, markii ay hubsaday inay Boliska labada gacmeed ka jeebadeeyeen ninkeeda cusub.
Boliska Isles waxay Facebook soo dhigeen  dhacdadan, iyagoo sheegay in Arooska cusub uu muddo lix bilood ka hor la soo xiriiray Boliska, oo weydiiyey haddii ay imaan karaan Xafladda Nikaaxiisa oo ka dhacaysay Kaniisadda Old Town Church.
Lamaanaha markii ay Boliska u yimaadeen waxay tamashle ahaan kaga ambixi lahaayeen Cheshire ee W/galbeed England, iyagoo ku sii jeeday Jesiiradaha loo dalxiis tago.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor