Caruur iyo Macalinkooda oo dab uu ku dilay Brazil

Ugu yaraan afar carruur ah iyo macallin ayaa waxa ay ku dhinteen dalka Brazil kaddib markii nin ilaalo ka ahaa xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taal magaalada Janauba ee gobolka Minas Gerais ee waddankaasi uu halkaasi dab qabadsiiyay.

Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 kale ay weerrarkaasi dabka ah ku dhaawacmeen arooryadii Khamiistii.

Muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa muujisay dad badan oo isugu yimid banaanka hore ee xarun caafimaad, hooyo qeylineyso oo ka niyad jabsan xaalada caafimaada ee ilmaheeda.

Sida ay sheegeen saraakiisha, mid ka mid ah ilaalada xanaanada carruurta ayaa waxa uu ku daadiyay aalkolo qaar ka mid ah caruurta iyo isagaba, Kadibna dab qabadsiiyay.

Si la mid ah carruurta, ayaa qaar ka tirsan dadkii waa weynaa ee ka shaqeynayay xanaanada carruurta ay sidoo kale ku dhaawacmeen dabkaan.

Madaxweynaha Brazil Michel Temer, ayaa ku sheeegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka inuu si weyn uga xun yahay musiibadii dhacday, isga oo tacsi u diray ehelada dadkii waxku noqday dabkaasi.

Mr Temer Waxa uu intaasi raaciyey in isaga qudhiisa ka aaba ahaan uu fahamay in musiibadan ay ahayd mid aad u xanuun badan.

Bbcsomali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media