Carruurta Qaxootiga,oo ay ku jiraan kuwo Soomaalida oo lagu dhibaateeyo dalalka Midowga Europe

Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadana ee Human Rights Watch  maanta soo saartay ayaa lagu sheegay in carruur badan oo ka soo cararay dalalkooda hooyo ay Tahariib ku soo gaaran Europe, iyadoo aysan jirin dad ku wehliya safarkooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay carruurta gaarta Europe ay badankooda sheegtaan inay da’doodu tahay 17-jir, si ay uga badbaadaan in loo gudbiyo Xaruumaha dadka da’da yar lagu hayo.

Bishii May ee sannadkan, Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay wareysteen in ka badan 100 Tahriibayaal carruur ah oo soo gaaray Jesiirado ka tirsan Dalka Giriigga.

41 ka mid ah carruurta la wareystay oo wiilal ahaa waxay da’dooda u dhexeysay 15 ilaa 17 jir, kuwaasi oo safrayey iyagoo aan qoysaskooda la soconin.

Hay’adda Human Rights carruurta Qaxootiga ee ugu xog waramay Jesiiradaha Giriigga waxaa ka mid ah gabar Somalia oo magaceeda ku soo koobtay Layla, taasi oo cabasho xooggan ka muujisay Xeryaha Tahriibayaasha lagu hayo.

Laylo oo 16-jir ah ayaa sheegtay inay saddex bilood ka hor u soo tahriibtay si ay u soo gaarto dalka Giriigga.

Waxay intaasi ku dartay  inay ku-dhawaad labo Toddobaad ku jirto Xaruunta Qaxootiga lagu hayo oo ku taalla Jesiiradda Chios.

Waxay sheegtay in si aad ah loo buux-dhaafiyey Xaruntaasi,isla markaana aan lahayn musqullo ku filan Tahriibayaasha.

Layla waxay Hay’adda Human Rights Watch u sheegtay inay Madaxda Xaruntaasi kula dhaqmaan sidii carruurta oo kale, una sheegaan inay berrito ka bixi doonaan Xeraddaasi.

Dhinaca kale, Hay’adda u dooda Xuquuqda Carruurta ee The Committee on the Rights of the Child ayaa sheegtay in had iyo jeer lagu xadgudbo carruurta Tahriibayaasha ee is-dhiiba, kuwaasi oo badankooda loo gudbiyo

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor