Carruurta Qaxootiga oo ay soomalida ku jiraan ee utahriiba dalka Sweden oo ka canabaya kufsi iyo Garaacid.

Todobaad kasta dalka Sweden waxaa gaara qiyaastii 700 oo carruur Qaxooti ah oo ka kala taga wadamada Afghanistan, Eritrea, Somalia iyo Syria, kuwaasoona intii safarka ay kusoo jireen sheegay in ay la kulmeen, Garaacid, kufsi, iyo shilal.

Koox joogata Magaagalada Malmo, oo gargaarka ufidiya carruurta, Maalmaha ugu horeeya ee dalkaasi Sweden ay yimaadaan, ayaa shegay in ay ka deyriyeen carruurta xaaladooda markii ay wareysi la yeesheen.

Kristina Rosen, oo gudigaasi ka tirsan, ayaa shegay in ay aad usoo dhaweyeen todobaadkaan, carruur badan oo ka yimid dalka Libiya, kuwaasoo aad udhibaateysan, oo ay soomaalida ku jiraan.

Sweden oo soo dhaweynayay qaxootiga Africa tan iyo sandkii 1970, ayaa waxaa sanadkaan uu laba laabay martagalinta qaxootiga oo uu gaarsiiyay 12,000.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu muujiyay in carruurta dhibaateysan ay badankooda kazoo jeedaan wadamada Somaliya, Libiya iyo meelaha ugu badan oo ay dagaalada ay ka jiraan, ee Africa.

Bishii August, ee sandkaan 9,383 kun oo caruur qaxooti ayaa la diiwaangaliyay, kuwaasoo ahaa magangalyo doon, waxaa tirade qaalibaada qaxootiga dalkaasi ku kordhay 7,049 kaliya sanadkii 2014, sida daraasada Sanadkaan lagu xusay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor