Carruur Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay D/Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shsbeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi uu ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodks,isla markaana Carruur ay u geeriyoodeen.

Dad ka badan 15 ruux ayuu soo ritay cufurkaas,waxaana lasoo sheegayaa in 15-kaas oo Carruur u badan 2 ka mid ah ay geeriyoodeen,halka weli inta kale ay la jiifaan.

Bulshada ku nool degmada qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in degmada aysan laheyn wax isbitaal ah,isla markaana qofkii uu shubanka ku dhaco la geeyo farmashiyo taasina aysan kaafin karin.

Hay’adaha gargaarka iyo Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayay ka dalbadeen in gurmad deg ah lasoo gaaraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor