Canshuurta laga qaado Magaalada Balaweyne oo cabasho laga keenay

Gudoomye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Wasiirka Wasaarada maaliayda Maamulka Hir-Shabeelle in uusan  habeyn qaabka loo wajahayo qaadista Canshuuraha deegaaanda Maamulka hir-Shabeelle.

Sheekh Xuseen Ismaan Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in aysan xiligaan jirin cid iska xil saartay qaabkii ugu wanaagsanaa ee lagu qaadi karo qaadista Canshuurta taas oo keentay in qof walba uu meeshuu ka soo gaaro uu ka qaato.

Waxa uu ugu baaqay Wasiirka Maaliyada hir-Shabeelle in arintaan uu wax ka qabto islamarkaana uu soo diyaariyo sida ugu wanaagsan ee lagu qaadi karo Canshuurta degmooyinka Gobolka hiiraan si loo ogaado meesha ay ku baxdo.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa Canshuurta  laga qaadaa Ganacsatada iyadoona aysan jirin wax lagu qabto ha ahaato baahiyaha Shacabka Baladweyne.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media