Canada: Haweeney Somali oo ilmaheeda kala soo baxsatay aabahooda oo ku nool dalka Britain oo la soo maxkamadeeyey

ANISA IYO WIILKEEDA YARAnisa Ibraahim ayaa lagu eedeynayaa inay 2 wiil oo ay dhashay oo lagu kala magacaabo Khaalid oo 10 jir iyo  Axmed oo 8 jir kala soo baxsatay Aabahooda muddo haatan laga joogo 5 sannadood.

Haweeneydaasi ayaa laga war helay bishii Augsut 13-dii ee sannadkan inay iyada iyo ilmaheeda magacyo kale ku joogaan magaalladda Hamilton ee dalka Kanada.

Maxkamadda magaalladda Hamilton ayaa Anisa Ibraahim shalay mar kale la soo taagay , waxaana  la qorsheynayaa in dib loogu celiyo dalka Britain, balse waxay sheegtay inaysan doonaynin inay ku laabtaan dalka Britain.

ANISA IBRAHIN IYO ILMAHEEDA

Anisa Ibrahim iyadoo ilmeynayso ayey shalay ka soo hor muuqatay Maxkamadda, waxaana go’aanka Masaafurintooda laga sugayaa inuu ansixiyo Wasiirka Garsoorka ee dalkaasi haddii Haweeneydaasi iyo carruurteeda dib loogu celiyo dalka Britain si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Garyaqaankeeda oo lagu magacaabo Andrew Confente ayaa sheegay inuu ka dhiidhinayo in Anisa iyo carruurteeda lagu celiyo dalka Britain, oo haddii ay khasab noqoto in la celiyo uu uga baahan yahay dowladda Britain ballanqaad ku aadan Ammaanka iyada iyo Carruurteeda.

Dhinaca kale, Anisa Ibrahim ayaa lagu celiyey Xabsiga Barton Jail, waxaana la filayaa in 30 cisho kadib mar kale isku soo dhiibto Maxkamadda, iyadoo Wasiirka Caddaaladda laga sugo go’aanka Kama Dambeynta ee iyada iyo carruurteeda loogu maasafurinayo dalka Britain.

ANISA IYO WIILKEEDA YAR

anisa iyo Ninka ay carruurta u dhashay

 

ABDUL ABUBAKAR 1Aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Cabdulle Abuubakar oo 45-jir oo ay kala tageen Anisa Ibrahim ayaa ku eedeeyey Qaraabadda iyo Saaxiibadeeda inay siiyeen Kharajka ay iyada iyo carruurteeda kaga soo dhoofeen dalka Britain bishii April ee sannadkii 2010-kii.

Anisa Ibrahim iyo Cabdulle Abuubakar waxay isku guursadeen magaalladda Manchester sannadkii 2004-tii, waxayna kala tageen sannadkii 2007-dii.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor