Cameey oo u dhoofay Zambia kadib markii ay is-khilaafeen Madaxweyne Gaas

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radiyo Dalsan in Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-gobaleedka Puntland, Enjineer Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Cameey uu u dhoofay caasimadda dalka Zambia ee Lusaaka, kadib, markii ay Madaxweyne Gaas isku khilaafeen Shirka Madaxda Maamul-gobaleedyadda uga furmay magaalladda Kismaayo.

Enjineer Cameey ayaa la sheegay inuu tegay dalka Zambia, oo ay ku nool yihiin Qoyskiisa.
Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Puntland ee mucaaradka ku ah Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulkaasi ayaa la sheegay inay qorsheynayaan Mooshin ka dhan ah Enjineer Cameey, oo ay ku eedeyeen inuu DFS ka helay lacag aysan cadadeeda sheegin, si Maamulka Puntland looga hor joogsanayo Ka-qeybgalka Shirka Kismaayo, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Cabdi Cusmaan oo ah Falaanqeeye Reer Puntland ah ayaau u sheegay Radio Dalsan haddii ay eedeymahaasi noqdaan kuwo jira inay horseedi karto inuu Enjineer C/xakiim Cameey ku waayo xilkiisa Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media