Cambaarayn Dawlad Goboleedka Somaliland siday ula dhaqantay Muwaadiniinta Soomaaliyed

WAR SAXAAFADEED

Cambaarayn Dawlad Goboleedka Somaliland siday ula dhaqantay Muwaadiniinta Somaliyed

1 June 2015, Muqdisho, Somalia – Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada (MMD) waxay aad iyo aad uga xuntahay una cambaaraynaysaa sida ka baxsan Somalinimada, muslinimada iyo bani aadanimada ee maamul Goboleedka Somaliland ula dhaqmay dadkii Somaliyeed oo ka soo cararay dagaalka ka socda Dalka Yemen.

Umada Somaliyeed meel kastooy joogaan waxay ku noqotay fajac iyo amankaag iyo wax aan weligeed hore loo arag kana soo horjeeda dhaqanka iyo karaamada Somalinimada in caruur iyo haween Somaliyeed oo xanuun iyo gaajo hayso lagu celiyo badda.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay ku bogaadinaysaa umada Somaliyed sidii sharafta lahayd ee ay ugu gurmadeen walaalohooda tabaalaysan iyagoon u kala harin meel kastoy joogaan.

Walaalayaal sida keliya oo aan uga hortegi karno in Shacabka Somaliyed lagu ihaanaysto dibadda, waa inaan sharaftii, karaamadii, sharci dhawristii iyo kaladambayntii dib ugu soo celino Somalia. Taasinal waxay ku dhici kartaa oo keliya marka awooda Dalka dib loogu celiyo Dadweynaha oo iyagu ay masiirkooda ka tashadaan.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay u halgamaysaa in Doorasha xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo Somalia 2016.

Dhamaad

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor