Cabsida Ethiopia iyo Jabuuti ee Saldhiga Milliteriga Imaaraadka laga siiyey Berbera.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska El-badil ee ka soo baxa dalka Masar waxay Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ka mideysan yihiin Aragtida ay ku diidan yihiin Saldhigga Milliteri ee Imaaraadka laga siiyey Dekedda magaalladda Berbera.

Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ayaana ka carooday Qorshahaasi iyo Galaangalka Milliteriga Imaaraadka ku yeelan karaan Gacanka Cadmeed iyo Baab Al-mandab.

Ilo-wareed uu soo xigtay Wargeyska Al-badiil ayuu ku sheegay inay Dowladda Sacuudiga ku riixayso Ethiopia iyo Jabuuti si Maamulka Somaliland loogu cadaadiyo inay ka laabtaan Heshiiskaasi oo khatar ku noqon kara Danaha Sacuudiga ee Geeska Afrika.

 

Dowladda Ethiopia ayaa iyadana cadaadis ku saartay Barlamaanka Somaliland inay ka hor yimaadaan Heshiiskaasi, waxayna Ethiopia ka cabsi ka qabtaa qabtaa in Xiriirka Wanaagsan ee Imaaraadka la leeyihiin Dowladda Masar uu horseedo inay Milliteiga Masar saamayn ku yeeshaan Saldhigga Milliteri ee Berbera.

Ethiopia iyo Masar ayaa waxa ka dhexeeya Muran ku aadan qaabka loo wadaagayo Biyaha Webiga Nile, waxayna Dowladda Masar ka soo horjeedaa dhismaha  Biyo-xireenka weyn ee laga dhisayo Ethiopia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horey gaashaanka ugu dhuftay Heshiiskaasi, kuna tilmaamay inuu xadgudub ku yahay Midnimadda Dhuleed ee Jamhuuriyadda Somalia.

Maamulka Somaliland ayaa isku arka inay Somalia ka go’een sannadkii 1991-kii, waxayna ku dhawaaqeen Gooni-isku-taaga, balse ma helin Ictiraaf Caalami ah .

 

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media