Cabsi soo wajahday Xoolo-dhaqatada Soomaalida Kenya, iyo Cuddurka MERS oo laga helay Geelka Kenya

Kala bar Geelka ku nool qeybo ka mid ah dalka Kenya ayaa waxa ku dhacay cuddurka MERS, kaasi oo ay u gudbin karaan dadka cuna.

Koox Saynisyahanno ka kala yimid dalalka Maraykanka, New Zealand, Kenya iyo Europe ayaa la sheegay inay sameeyaan Cilmi-baaris lagu ogaanayo haddii ay Geelka ku nool Kenya qabaan cuddur-sidaha MERIS, oo markii ugu horreysay laga helay dalka Sacuudiga sannadkii 2012-kii.

Warbixintan oo lagu soo daabacay Wargeyska The U.S. journal Plos One ayaa lagu sheegay inuu Qoraha Cilmi-baaristaas, Professor Erik Fefre oo Macallin ka ah Jaamacadda the University of Liverpool ee dalka Britain  sheegay in inta badan cuddurka MERS ee ku dhaca Geelka ka qaadeen Qabowga Guud.

Saynis-yahanadda ayaa la sheegay inay mar kale diiradda saari doonaan haddii Fayriska MERISK ee laga helay Geelka Kenya uu abuuris ahaan la mid yahay kuwa kale oo laga helay qeybo ka mid ah Geeska Afrika.

Xoolo-dhaqatadda ku nool Kenya ayaa la sheegay inay la soo gudboontay cabsi xooggan, inkastoo aan weli la arkin kiisas dad u geeriyooday Cuddurkaasi.

Geelka ugu badanee lagu dhaqdo Geeska Afrika ayaa waxay ku kala nool yihiin Somalia, Sudan iyo Kenya.

Dhinaca kale, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inaan ilaa iyo haatan daawo loo helin Cuddurkaasi oo laga helay in ka badan 20-Waddan.

Hay’adda WHO waxay sheegtay inay cuddurkaasi ku dhacay 1,595 qof, waxaana u geeriyootay 571 qof.