Cabduweli Gaas oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee Baarlaman DFS u metelaya Puntland.

Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin.

1. Isxog waraysi.

2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo
DFS.
3. qaybsiga khayraadka dalka.

4. Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka.

5. kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta
Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanada labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka loo gaarsiin lahaa

uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media