Cabdikariin Guuleed oo ku biiray Siyaasiyiinta ka hadlaya dhacdadii Qalbi Dhagax

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikriin xuseen guuleed ayaa ka mid noqday Siyaasiyiinta sidaweyn uga hadlayay Wareejintii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF.

War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facbook ayaa waxa uu codsi u diray madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso warbixin uu ka qoran taas oo uu ciwan uga dhigay

Dhacdada Qalbi Dhagax, Dhacdo lama filaan ah

Maalmahii la soo dhaafay Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxay isku dareen ka noqdeen dhacdadii lagu dhiibay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Abdixakiin Qalbi Dhagax haddaba waxaa isweydiin mudan maxaa dadka dareenkooda ilaa heerkaan kiciyey oo Dowladdii iyo Hogaankii ay sidii la ogaa doorashadiisa u soo wada dhaweeyen una taageereen hal mar oga soo horjeenteen, anigu koley waxay ila tahay in arintaas ay salka ku heyso arimaha soo socda:

1:- Dareenka ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka qabeen Hogaankooda Cusub inuu tusaale u yahay Wadaniyadda iyo ilaalinta Karaamadooda iyo Xuquuqdooda, taas oo dhacdadaani markii ay dhacday lama filaan iyo amakaak ku noqotay, keentayna inay niyadjab ku abuurto.

2. Dhacdadaan oo ugub ku ah inay ka dhacdo dowlada Soomaaliyeed .

Waxaa xusid mudan inaan halkaan ku tilmaamo hal dhacdo oo dhacday waqtigii uu xukunka hayey Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh in ay dhacday inuu Horjooge ka mid ahaa Horjoogayaalka Kooxda Al-Shabaab isi soo dhiibay kaas oo watay labo Jinsiyadood tiisa asalka aheyd ee Soomaaliya iyo mid Mareykan ah, waxaa markii ay ka war heshay dowladda Mareykanka isi soo dhiibkiisa ay dowladda Soomaaliyeed ka soo dalbatay in maadaama uu ninkan mareykan yahay sida ay sheegeena danbiyo looga heysto dhankooda ayaga loo gacan galiyo laguna wareejiyo, laakiin dowladda soomaaliya xiligaas waa ay ka diiday ayadoo tiri Dastuurkeena iyo shrcigeena midna noo ogolaanmaayan inaan Muwaadin Soomaaliyeed dowlad kale u gacan galino, arinkaas oo in muddo ah mugdi iyo madmadow weyn galisay xiriirka labada dal iyo wadashqeyntoodii.

3:- Dhacdadaan oo sidoo kale ugub ku ah Magaalada Muqdisho oo aheyd hoyga iyo gabaadka qofka Soomaaliga ah, Waxaana dhamaanteen wada xusuusana in dhacdadaan oo kale ay Salfatay Raggii Hogaamiye Kooxeedyada ahaa ee Muqdisho ka arimin jiray kadib karkii ay isku dayeen in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay Ajnabi u gacan galiyaan, taas oo ay Reer Muqdisho ka gilgishsheen kana dhiidhiyeen, kacdoon bulsho oo arinkaas ka dhashayna Hogaamiye Kooxeedyadii magaalada looga saaray.

4. Sidoo kale dhacdaan oo ku xun kana soo horjeedo Dhaqanka iyo Karaamada Soomaaliyeed waayo Soomaalidu labo midna ma aqbali jirin kuwaas oo ah:

In qof ayaga ka dhashay ay cid kale tiraahdo noo soo dhiiba waxayna oran jireen haddii aysan cidna naga harin arinkaas yeeli meyno waayo waxay taabaneysaa jiritaankooda iyo sharaftooda.
B. In qof magan u ah loo gacan dhaafo oo la damco taas oo ay u arkayeen inay karaamo jab ku tahay.

Hadddaba Dowladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay geesinimo iska soo goyso oo jahawareerka jira dadka ay ka saarto ayadoo si mas,uuliyad ku jirto waxa dhabta ah ee jira dadweynaha ola wadaageyso, qiratana waxii khalad ah ee ay gashay, haddii wax qof gaar ah uu ku tagri falay ay tahayna qofkaas kiisku asaga Aabo yiraahdo, haddii go,aan guud uu ahaana Madaxda Sare ee uu Madaxweynuhu u horeeyo ay Bulshada cudurdaar rasmi ah u jeediyaal waayo arinkaan waa arin aan sidaan shibta ah ku dhamaaneynin waana arin si toos ah u taabanaysa Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media