Cabdi Waal oo lagu tuhunsan yahay inuu ahaa Maalgeliyaha Alshabaab u joogay Nairobi.

Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS) oo kaashanayo Boliska waxay Isniintii la soo dhaafay qabteen Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” oo ay sheegeen inuu ahaa Hoggaamiye Kooxeed Soomaali la baadi-goobayey, laguna tuhunsan yahay inay yahay Maalgeliyaha Alshabaab u jooga Nairobi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Cadadka maanta ee Wargeyska Maalinlaha ee The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay ogaadeen in Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” loo baadigoobayey weeraro Argagixiso oo ka dhacay magaalladda Muqdisho, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeyska waxa kale oo uu xusay inay xog-wareed u sheegeen inuu Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” haysto Waraaqaha Aqoonsiga ee Kenya, inkastoo aan la ogeyn qaabkii uu ku helay Aqoonsiga ama Kabandhada Kenya.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray inay Sirdoonka dalalka Kenya iyo Somalia iska kaashadeen sidii loo soo masaafurin lahaa Cabdi Waal, oo haatan lagu hayo Xabsi ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Mwenda Njoko ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo xariga Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” oo maalintii Isniinta loo soo masaafuriyey magaalladda Muqdisho.

Waa Shaqsigii Labaad oo ay Ciiddanka Kenya ku qabtaan Nairobi, una soo gacan geliyaan Dowladda Somalia, iyadoo bishii August ee sannadkii hore Ciiddanka Kenya soo masaafuriyeen U-qeybsanihii Alshabaab ee dilalka Suxxufiyiinta Xasan Xanafi Xaaji C/salaam, kaasi oo ay Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sida dhawaan ku xukuntay Xukun Dil ah, doorkii uu ku lahaa Suuxfiyiin lagu dilay magaalladda Muqdisho.

Links: http://www.the-star.co.ke/news/2016/03/09/al-shabaab-financier-deported_c1308833

Xigasho: The Star.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor