Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay doorashada Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Xubnaha labada Aqal,waxaan ku tartamayay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.
Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood looga qeybiyay Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid ayaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole,uga guuleestay codod dhan 6-4.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday Olole ay wadeen labada Masuul,waxaana jirtay saadaalin ay dadka qaarkood bixinayeen.