Dhageyso:-Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo fariin u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda

Dr.C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ahayd ee Carta oo ku sugan Dalka Masar ayaa siweyn uga hadlay xaaladda dalka uu marayo iyo rajada laga qabo in dalka uu markale cagihiisa isku taago.

Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyaabihii hor istaagay dowladii KMG ee uu hoggaaminayay,wuxuuna sheegay in burburka dalka ka dhacay uu sabab weyn u yahay in waxkasta ay qaataan muddo.

Siyaasiinta Soomaaliyeed,Dowladda Federaalka iyo Shacabka ayuu ugu baaqey in ay gacamaha isqabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa hanaanka Dowladnimo ee dalka,isagoo xusay in uu dalka haatan waxbadan uu kaga duwan yahay xiligii uu talada hayay,wuxuuna xusay in Dowladda Federaalak Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada ay maamulaan guud ahaan Dalka.

Wuxuu Dr C/qaasim Salaad Xasan u ugu baaqay waxa uu ugu yeeray Siyaasiinta Mucaaradka ah in ay la yimaadaan aragti wax dhisaysa oo ay saxaan dowladda hadii qaladaad ay jiraan,balse aan loo baahnayn mucaarad ka shaqeeyan aragti Dal burburin iyo dowlada diidnimo ah mar uu lahadlayay VOA.

“Faa’idada aan helnay laga soo bilaabo dowladihii KMG ahaa ayaa kamid ah in dalka uu aqoonsi buuxa uu heley burburkii kadib,in calankii Soomaaliyeed laga taagay xarunta Qm iyo guud ahaan wadamada Caalamka,haatana waxaan rajaynayaa in Dalka iyo Dadkuba ay degaan,wadankasta oo burbur uu soo maray muddo ayay qaadataa in dib uu u soo kabmo,balse waxaa loo baahan yahay in qabyaalada meel la iska dhigo,oo laga shaqeeyo qaranimada Soomaaliyeed dib u soo celinteeda,taasina rajo weyn ayaan ka qabnaa”, Ayuu yir Dr C/qaasim.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq uu u jeediyay guud ahan shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu yeeray in ay garab istaagan Dowladda si dowladdu ay cageheeda isku taagto,taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay wadada keliya lagu heli karo dowladnimo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media