Cabdalla Saalim oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ay ku dileen nin rayid ahaa.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, iyadoo raggii dilka gaystay ay baxsadeen, kadib markii dhawr xabadood ay ku dhufteen ruuxii ay dilayeen.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Saalim Sayid, dadka deegaanka ayaa sheegay inuu ahaa ninkaan Tima Jare, illaa haddana aanan la aqoon sababta dilkiisa ka dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdala uu ka mid ahaa Somaalidii ka soo qaxday dalka Yemen ee dalka dib ugu soo laabatay, sida dadka ay sheegayeen.

Ciidamada Booliska Jowhar ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan Baaritaano.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media