Burcad badeeda soomalida oo shegtay in lacago madax furasho oo waAli ah ay ka qaateen suxufi u dhashay dalka Jarmalka

Wada xaajoodyaasha ayaa bixiyay 1.6 million oo madaxfurasho ah, oo lagu sii daayay wariye udhashay German-American oo ay kooxaha burcad badeda soomaalida ay heysteen mudo labo sano iyo sided biloow.

“Afhayeenka dowlada Jarmalka ayaa kol hore xaqiijiyay in aysan jirin wax madaxfurasho ay siiyeen kooxdii burcad badeeda soomaalida ee heysatay wariye Michael Scott Moore, Maadama ay siyaasada Mareykanka ay mamnucday in madaxfurasho la siiyo kooxaha lamidka ah Burcad badeeda” ayuu sheegay.

“ Michael Scott Moore, waa uu wanaagsanyahay iminka, waxaa uu helay daryeel dawo oo wanaagsan, ayeey tiri wasaarada arimaha dibada dalka Jarmalka” .

Moore, oo 45-jir ah ayaa kasoo duulay caasimada dalka Kenya, kadib markii ay siidaayeen kooxdaha burcad badeeda soomaalida.

Wariye Michael Scott Moore oo asal ahaan u dhashay dalka Jarmalka, balse hadda haysta Dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu afduubay Gobolka Mudug Bishii January ee 2012 xilligaasi oo Warbixin ka qorayay Burcad-badeeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor