Burcad badeed soomali ah oo wajahaya xabsi dheer dalka Kenya

Inkabada 100 ruux oo soomaali ah oo dowlada Kenya ay uheysato falal burcad badeednimo ah ayaa la sheegayaan in ay wajihi karaan xabsi dheer gudaha dalka Kenya.

Dhlinyaradaan ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada bada dowlada Kenya, waxaa la sheegay in xiligii lasoo qabanyay in ay ku sugnaayeen badweynta India gaar ahaa meel u dhow xeebaha Mombaas sida dowlada Kenya ays sheegtay.

Safiirka soomaaliya ee dalka Kenya iyo wafdi ka socda saraakiisha safaarada ayaa maalitii ciida kooxdaasi soomaalida ah kula ciiday xabsiga guduhiisa, waxaana ay halkaasi ugu geeyeen xoogaa lacogo ah dhar iyo agab kale.

Sidoo kale safiirka ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in soomaalidaasi laga wareejiyo dowlada soomaaliya si dalkooda hooyo ee soomaaliya loogu maxkamadeeyo.

Saraakiil ayaa sheegaya in ay macaquul tahay in dhalinyaradaasi ay dowlada Kenya madax ugaliso xukun dheer.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor