Burcad-baddeed xukun ku soo dhameystay Kenya oo lagu soo celinayo Somalia

Taliye-xigeenka Xabsiga Shiimo La Tewa ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, Meshakh Okiya ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inay Dowladda Kenya iyo Xafiiska QM ugu qaabilsan Daroogadda iyo Dembiyadda ee UNOC ka shaqeynayaan sidii Burcad-baddeeda Soomaalida ee dhamaysatay xukunnadooda loogu celin lahaa dalkooda hooyo.

Waxaa uu sheegay in 62 Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhamaystay xukunnadooda dib loogu celin doono dalkooda hooyo.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in isbuuca soo socda Safaaradda Somalia ku leedahay Naiorbi lagu wareejiyo 14 Burcad-baddeed, kuwaasi oo dhamaystay xukunkoodii.

Dhinaca kale,  164 Burcad-baddeed Somali ayaa ku xiran Xabsiyadda Kenya, kuwaasi oo la qabtay iyagoo Maraakiib ka afduuban lahaa Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya tan iyo sannadkii 2008-dii.

Xafiiska QM ugu qaabilsan Daroogadda iyo Dembiyadda ee UNOC  waxay Xabsiyo lagu hayo Burcad-baddeeda aan xukunkooda dhamaysanin ka dhiseen magaallooyinka Garowe iyo Hargeysa.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor