Burcad-baddeed Soomaali oo lagu maxkamadaynayo Sishilis

Kooxdii ugu dambeysay Soomaali ku eedeysan Burcad-baddeednimo oo xiran Jasaa’irka Sishilis ayaa la filayaa in dabayaaqadda bishan la soo taago Maxkamad, iyagoo ku eedeysan inay wateen dooni ay u adeegsan jireen inay ku afduubtaan Marakiibta isticmaala Badda Somalia.

Eedeysanayaashaasi oo tiradoodu dhan tahay  5 qof ayaa waxaa go’aan ka gaari doona Maxkamadda Sare ee Jasaa’irka Sishilis.

Dhallinyaradaasi oo Arbacaddii hore la soo taagay Maxkamadda ayaa beeniyey inay yihiin Burcad-baddeed, waxayna tilmaameen in la soo qabtay iyagoo Doonidooda Kalluun kaga jilaabanayey Badda Somalia.

Garsoore Gustafe Doodin waxa uu ku gacan-sayray hadal uu Garyaqaanka Eedeysanayaasha ku sheegay inuusan Kiiskooda wax jawaab ah lahayn.

Garyaqaanka waxa kaloo uu tilmaamay inaanla haynin wax caddaymo oo muujinayo inay raggaasi yihiin Burcad-baddeed.

Ciiddamo Faransiis oo la socday Markabka Dagaalka ee FS SIROCO ayaa la sheegay inay Raggaasi ku wareejiyeen Hay’addaha Ammaanka ee Jesiiradda Sishilis  bishii Janaayo 30-dii ee sannadkii 2014-kii.

Ciiddanka Fraansiiska waxay sheegeen inay Raggaasi soo qabteen xilli ay Dooni ku weerari lahaayeen Markab Booyadle Shidaal (An Oil Tanker).

Dhinaca kale, Xabsiga lagu magacaabo  “The Montagne Posée prison” oo ku yaalla Jasaa’irka Sishilis waxaa haatan ku xiran 22 Soomaali ah, oo 17 ka mid ah sugayaan inay dhamaystaan Xukunkooda, si loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor