Burcad-baddeed Soomaali oo laga waabiyey Maraakiib Ganacsi oo ay ka qafaalan lahaayeen Gacanka Cadmeed

Taliye-xigeenka Ciiddanka Badda ee Iiraan, Admiral Sayid mohamoud Mousavi ayaa sheegay inay Ciiddanka Badda Iiraan ku guuleysteen inay badbaadiyaan Labo Markab Ganacsi oo ay Burcad-baddeed Soomaali ku weerareen Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan Xeebta Yemen.

Telefishinka Press TV ee laga leeyahay dalka Iiraan ayaa sheegay in Burcad-baddeed wadatay ilaa 6 doonyaha dheereeya ay Waaberigii hore ee saakayto weerareen Markab Xamuul oo aan la sheegin dalka laga lahaa.

Maraakiibta dagaalka Iiraan ee ilaaladda ka haya Gacanka Cadmeed ayaa u gurmaday Markabkaasi, kadib, markii ay u soo direen Qeylo-dhaan Gurmad ah.

Taliye-xigeenka Ciiddanka Badda ee Iiraan, Admiral Sayid mohamoud Mousavi ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka rasaas xoog leh is-weydaarsadeen Burcad-baddeeda laga waabiyey Afduubka, isla markaana ay Burcad-baddeeda u baxsadeen dhinaca Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay fashiliyeen weerar kale oo ay Burcad-baddeed wadatay 12 doonyaha dheereeya ku doonayeen inay ku qafaashaan Markab kale oo ganacsi oo marayey Badda Somalia.

Maraakiibta Dagaalka Iiraan ayaa waxay tan iyo bishii November ee sannadkii hore ku sugnaayeen Gacanka Cadmeed, iyagoo qeyb ka ah Maraakiibta Caalamliga ee La-dagaalanka Burcad-baddeedka u jppgtya Xeebaha Somalia.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor