Burcad-baddeed Soomaali ku xiran dalka India oo codsaday inay xukunkooda ku dhamaystaan dalkooda hooyo

120 rag Somali oo burcad-baddeednimo loogu xiray dalka Hindiya sannadkii 2011-kii ayaa u sheegay Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay dalkaasi inay doonayaan inay qirtaan Kiiska loo haysto, si ay ugu suurto-gasho inay xukunkooda ku dhamaystaan gudaha dalkooda hooyo.
Dacwad-oogayaasha Maxkamadda magaalladda Mumbai ayaa loo sheegay Fikradaasi isbuucii hore, kadib, markii ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somalia.
Dhamaan, 120-ka Burcad-baddeed ayaa waxaa Xeebaha Somalia laga soo qabtay muddadii u dhexeysay bilihii January iyo March ee sannadkii 2011-kii.

Qeybta ugu horreysay oo dhan 15 Burcad-baddeed waxaa la qabtay bishii Janaayo 28-dii ee sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay afduub u hasyteen Kalluumeysato u kala dhalatay dalalka Thailand iyo Myanmar.

Bishii Feberaayo 6dii ee sannadkii 2011-kii, Ciiddanka Badda ee India waxay qabteen 28 Burcad-baddeed, kana soo furteen 24 La-hayste u dhalatay dalka Thailand.

Bishii March ee sannadkii 2011-kii, labo hawlgal ayaa lagu soo qabtay 77 Burcad-baddeed.

 © Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor