Burcad-baddeed Somali oo afduubatay Markab  laga leeyahay Iiraan, xilli uu mid kale ka baxsaday.

Sarkaall ka tirsan Maamulka Puntland iyo Khabiir ku takhasusay  La-socodka Dhaqdhaqaaqa Maraakiibta ayaa xaqiijiyey inay Burcad-baddeed Somali wadatay doonyaha dheereeeya ay qafaasheen Markab Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan.

Agaasimaha Maamulka Puntland ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Abdirizak Mohamed Dirir oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay in Markabkaasi laga qafaashay Xeebta Degmadda Eyl ee W/bari Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in ay 15 shaqaale la socdeen Markabkaasi, inkasta oo uusan sheegin inay Markabkaasi fasax ka haystay Maamulka  Puntland iyo in kale.

John Steed oo ah Maareeyaha Koox fadhigeedu yahay Bariga Afrika oo taageero siisa Badmaaxiinta la afduubto, ayaa xaqiijiyey in Markabkaasi oo lagu magacaabo Maxamedi laga qafaashay meel in ka badan 200 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia.

Waa Afduubkii ugu horreeyey oo ay Burcad-baddeeda ku guuleystaan inay afduubtaan Maraakiibta isticmaasha  Gacan-biyoodka Cadmeed muddo labo sanno ah.

© Radio Dalsan