Britain oo xaqiijisay xoojinta xiriirka Somalia iyo Somaliland

Hadal ka soo baxay Xafiiska Horumarinta Caalamiga iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan taageeradda ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes uu dhamaystay booqasho hawleed oo uu ku tegay magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Grant Shappes la kulmau Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Somalia iyo Somaliland, si loo xoojiyo xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Britain.

Mas’uulkaasi waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud, Ra’isul-wasaare Sharmaarke iyo xubno ka tirsan Dowladda Somalia, wuxuuna ku booriyey muhiimadda ay leedahay in ay si deggan u dhacdo Doorashadda lagu madalsan yahay sannadka soo socda ee 2016-ka.

Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes waxa kaloo uu kulankiisa diiradda ku saaray doorka adag ee Dowladda Somalia ee Horumarinta Ciiddanka Ammaanka ee Qaranka, wuxuuna soo dhaweeyey dhismaha Maamul-gobaledyadda .

Mas’uulkaasi waxa kalo ouu ku baaqay in la sii wado Dib-u-heshiisinta si loo xaqiijiyo in Wakiilladda si xaq ah looga soo dhex doorto dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes waxa uu tilmaamay inay Somalia ka mid tahay xuddunta Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Britain, si taageero looga geysto Xaalladda adage e Samafalka, baahida Horumarinta, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu booqday magaalladda Hargeysa, oo uu kula kulmay Madaxweyne Silaanyo iyo xubno ka tirsan Maamulka Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor