Britain oo Kenya ugu baaqday in la maalgeliyo Bulshadda, si ay u soo gudbiyaan warbixinadda Hawlgalka Kooxaha Argagixisadda

Ergayga Sare ee Dowladda Britain uga wakiilka ah dalka Kenya, Christian Turnerayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay maalgelin badan ku bixiyaan Hawlaha Mujtamaca si looga guuleysto Dagaalka lagula jiro Xag-jirayaasha.

Dr. Christian Turner ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shirweyne looga hadlayey La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda  oo lagu qabtay maagaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inuu rumeysan yahay Bulshooyinka lagu xiriirito inay gacan saar la leeyihiin Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ay qeyb ka yihiin khatarta dagaalladda lagula jiro Argagixisadda.

“Dagaalkan laguma guuleysan karo awood milliteri oo keliya, waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto sababaha keena inay dadka qaarkooda  noqdaan Xag-jirayaal ku biira dagaalladda” ayuu yiri Dr. Christian Turner.

Waxa uu intaasi ku daray in Iskaashiga Sirdoonka, Kontoroolka xuduudk, Iskaashi Gobaleed arrimaha Qaxootiga iyo Hawlgalladda Milliteriga tahay tallaabo wanaagsan.

Ergayga Sare ee Dowladda Britain uga wakiilka ah dalka Kenya, Christian Turnerwaxa uu ku booriyey Dowladda Kenya inay tusaale ku-dayasho mudan ka dhigtaan qaabka ay Dowladda Britain kaga guuleysteen qaraxyaddii ay geysan jireen Jabhaddii IRA-da.

Wuxuuna xusay inay aad u maalgeliyeen bulshadda, oo  iyagu soo gudbin jirey Warbixinadda Kooxda Argagixisadad ee IRA-da.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor