Britain oo Kenya ka taageerayso La-dagaalanka Alshabaab.

Danjiraha Dowladda Britain u jooga dalka Kenya, Nic Hailey ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ka taageeri doonaan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Ballanqaadkaasi ayuu sameeyey, kadib, markii uu Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, William Ruto uu kaga tacsideeyey Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Xeradda Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Danjire Nic Hailey waxa uu sheegay inay Dowladda Britain sii wadi doonto Taageeradda ay Dowladda Kenya ka siiyaan La-dagaalanka Alshabaab iyo kooxaha kale.

Dhinaca kale, Nic Hailey waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Nabad-dhalinta haatan ka socota Gobalaka Xeebta ee dalka Kenya oo uu tilmaamay inay muhiim u tahay Hubinta Deganaanshaha Hawlaha Dalxiiska.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor