Britain iyo Masar oo ka wada tashaday Xaalladda Somalia iyo Shirka London.

Ergayga Khaaska ee Dowladda Britain ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay ayaa booqasho hawleed ku tegay Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isagoo Madaxda dalkaasi kala arrinsaday Xaalladda Ammaanka, Siyaasadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Nichola Kay waxa uu Kulan Khaas ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedds Masar, Samix  Xasan Shukri oo ay isla gorfeeyaan Aragrida Mideysan ee lagu wajahayo Soo-celinta Ammaanka Somalia.

 

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Ambassador Maxamed Idris ayaa sheegay in Wada-tashiga Masar iyo Britain qeyb ka yahay Wada-tashiga Qeybaha ay khuseyso Arrimaha Somalia iyo Ajendayaasha looga hadlayo Shirweynaha Caalamiga ee Ammaanka Somalia ee ay Dowladda Britain marti-gelinayo bisha May 11-da ee sannadkan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Masar lagu casuumay Ka-qeybgalka Shirkaasi kd dhici doona magaalladda London.

Mar uu ka hadlayey Ajendayaasha lagu lafa-gurayo Shirka London waxa uu tilmaamay in Shirka lagu dejin doono Qorshaha Tubta cusub ee Marxalladda soo socota lagu wajahabyo Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka iyo horumarinta Khaaska ee Somalia.

©Radio Dalsan