Britain iyo Jarmalka oo taageeray duqeyntii Maraykanka ee Syria.

Theresa May iyo Angela Merkel ayaa Taageeradaasi ku sheegay mar ay si kala gaar Khadka Telefoonka kula hadleen Madaxweynaha dalka Mraykanka, Donald Trump.

Afhayeenad u hadashay Xafiiska RW Britain ayaa sheegtay inay Labada Mas’uul isla garteen in Madaxweynaha Syria, Bashaar Xaafid Al-asad lagula xisaabtamo dhibaatadda uu ku hayo Shacabkiisa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Donald Trump waxa uu Theresa May uga mahad celiyey Taageeradda ay u muujiyeen Hawlgalkii Duqeynta ee lagu qaaday Saldhig Diyaaradeed oo ku yaalla dalka Syria.

Dhinaca kale,  Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka,  Rekis Tillerson ayaa ku wajahan magaalladd Mosko, si uu dhigiisa dalkaasi, Sergey Lavarof kala hadlo xal-u-helida Xiisadda dalka Syria.

Dowladda Raashiya waxay Isbahaysi dhow la tahay Dowladda Syria, waxayna ka taageeraan Hawlgalladda lagu jiro Maleeshiyaadka Daacish iyo kuwa kale ee dagaalka ka wada gudaha dalka Syria.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media