Brazil oo xalay lagu reebay heerka hore ee Koobka Ameerika muddo 30 sanno kadib

Xulka Brazil oo 5 jeer ku guuleystay koobka Adduunka ayaa xalay lagu reebay xeerka groupyada ee koobka Ameerika taariikhda markii ugu horeysay muddo laga joogo 30 sanno.

Ciyaartoyada xulka Peru ayaa hal gool oo uu muran ka dhashay waxay uga adkaaden xulka Brazil markii ugu horeysay tan iyo 1985kii.

Raul Ruidiaz ayaa Brazil ka dhaliyay goolkii ay ku harenn daqiiqadii 75 aad ee qeybtii dambe ciyaarta,inkastoo muran uu ka yimid goolkasi.

Garsooraha reer Uruguay Andres Cunha ayaa markii uu la tashtay saraakiisha kale ee ciyaarta waxa uu ku adkeystay in goolka uu yahay mid sax ah.

Brazil kama aysan adkan xulka Peru 16 kulan oo ay hore u soo kulmen,waxayna Brazil sameyneysa taariikh cusub oo mugdi ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor