Borotokoolka lagu soo kala dhaweeyey Madaxweynayaasha Somalia iyo Nigeria oo Kaaf iyo Kala Dheeri ahaa.

Munaasabad loogu baroor-diiqayey Askarta lagu dilay Duullaankii Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa galabta lagu qabtay Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari ayaa ahaa Madaxda Shisheeyaha ee ka qeyb galay Munaasabada Baroordiiqa.

ELDORET2Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Garoonka Eldoret ka degay abaarihii 11-kii barqanimo iyo 10-daqiiqo ee saakayto, waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Rutto iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dubedda ee Barlamaanka Kenya, ka hor inta aan loo gelbin Xeradda Milliteriga Eldoret oo Garoonka u jirta ku-dhawaad 25-KM.

Dhinaca kale, Soo-dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inaysan Xamaasad badan u lahayn Borotokool ahaan, marka loo eego qaabkii Madaxweynaha Nigeria, Maxamadu Uhuru loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Eldoret.

Madaxweynaha Nigeria waxaa soo dhaweeyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyey, waxaana loo riday 21-Madfac oo soo-dhaweyn ah, iyadoo Madaxweynaha Somalia aan haba yaraatee loo ridin wax Madfac markii uu ka soo degay Garoonka Eldoret.

UHURU-BUHARI1

Calanka Jamhuuriyadda Kenya ayaa hoos loo dhigay, iyadoo Suxufiyiinta laga mamnuucay inay wareystaan Ehelladda Askarta Kenyanka ee loo baroor-diiqayey.

ELDORET AIRPORT 1

UHURU-BUHARI2 ©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor